Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu billaabayo tijaabada tallaalka Coronavirus

0
Wednesday April 22, 2020 - 22:11:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu billaabayo tijaabada tallaalka Coronavirus

    Berlin -DW

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Berlin -DW

Iyadoo dad ka badan 2.5 milyan oo qofood caalamka oo idil uu ku dhacay cudurka Coronavirus (COVID-19) isla markaana lagu mashquulsan yahay sidii dawo loogu heli lahaa ayaa dowladda Jarmalku waxay ogolaatay in la bilaabo tijaabada ugu horreysa ee tallaalka Coronavirus.

Waxaa tijaabadan lagu billaabayaa illaa 200 qof oo da’doodu u dhexeyso 18 illaa 55 sanadood si loo ogaado saameynta uu ku reebayo dadkani dhammaadka bishan April, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Jarmalka Jens Spahnoo xusay in machadka The Paul Ehrlich Institute (PEI) oo Jarmalka u qaabilsan horumarinta Tallaalka uu sidoo kale arrintan ogolaaday.

Dadaalka tallaalkan ayaa waxaa iska kaashaday laba shirkadood oo waaweyn oo dawada sameeya kuwaas oo kala ah BioNTech oo Jarmal ah fadhigeeduna yahay Mainz iyo Pfizer oo Mareykan ah, xarunteeda weynna ay ku taallo New York.

Inkastoo tallaal dhameystiran in loo helo COVID-19 ay qaadanayso ugu yaraan muddo sanad ah, haddana waxaa dalal badan oo dunida ah ay wadaan tijaabada tallaalka Coronavirus oo ay ku billaabeen bani’aadamka si ay u ogaadaan qaabka dawadaasi u shaqeyneyso iyo caafimaad iyo dhibaato wixii ay leedahay.

Ingiriiska ayaa Isbuucan billaabaya tijaabada tallaalka Coronavirus, halka dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ay iyaguna goonidooda u wadaan baroobada tallaalka COVID-19.



Isha Wararka

Nagala soo xiriir; info@ishawaraka.net