COVID-19: Dhimashada Ingiriiska oo kor u dhaaftay 20,000 iyadoo dowladduna dadka ugu baaqayso inay guryaha joogaan

0
Saturday April 25, 2020 - 22:16:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COVID-19: Dhimashada Ingiriiska oo kor u dhaaftay 20,000 iyadoo dowladduna dadka ugu baaqayso inay guryaha joogaan

    London -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -BBC

Dadka u dhintay cudurka Coronavirus ee Ingiriiska ayaa kor u dhaafay 20,000 oo ruux maanta, taasoo muujinaysa in Ingiriisku weli ka fog yahay inuu xakameeyo feyruskan.

Waxaa weli lagu eedeynayaa dowladda Ingiriisku in aysan sidii la rabay uga jawaabin wax ka qabashada Coronavirus xilli dhimashadu sii siyaadayso, waxaa kale oo UK ay ka dhega adeygtay in ay dalka oo dhan bandoow geliso sida dalalka kale ee Yurub halka qorshaha dadka looga baarayo caabuqa Coronavirus-na uu gaabis yahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Ingiriiska Priti Patel ayaa sheegtay in xaaladda Ingiriiska ee Coronavirus aysan weli faraha ka bixin, iyadoo ugu baaqday dadka Britain inay guryaha joogaan.

Guud ahaan caalamkana waxaa COVID-19 uu ku dhacay dad ka badan 2,900,000 oo qof, halka dhimashaduna ay ka gudubtay 200,000 oo qof.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net