Baarlamaanka Iran oo ansixiyay in la beddelo lacagta daka ee Riyaalka 95 sanadood kaddib

0
Monday May 04, 2020 - 21:40:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Iran oo ansixiyay in la beddelo lacagta daka ee Riyaalka 95 sanadood kaddib

    Tehran -Bloomberg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Tehran -Bloomberg

Baarlamanka waddanka Iran ayaa ansixiyay in afar eber laga jaro lacagta dalku isticmaalo isla markaana gebi ahaanba la beddelo Riyaalka Iiraaniga ah oo lagu beddelayo Toman oo u dhigma illaa 10,000 oo Riyaal.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4 May ayaa Baarlamanka Iran wuxuu isku raacay in la beddelo lacagta dalka ee Riyalka, taasoo uu dalku isticmaalayay tan iyo 1925-kii, waxaana sababta loo beddelayo lacagtan ay tahay kaddib markii uu hoos u dhacay 60% qiimeheedii sababo la xiriira cuna qabateynta Mareykanka ee Iran saaran.

Lacagta Iran ayaa waxay u kala baxdaa toban kun, labaatan kun, konton kun, boqol kun iyo shan boqol oo kun, waxaana 1-kii dollar uu u dhigmaa 156,000 oo Riyaalka Iiraan ah.

Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in ay muddo 2 sanadood gudaheed ah ku dhaqan gelin doonto lacagta cusub ee Toman-ka, si loo ceymiyo dhaqaalaha sii degaya ee dalka.

Iranian Rial | The Iranian rial is the currency of Iran. Alt… | Flickr


Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net