Waddanka Japan oo ansixiyay in dawada Remdesivir ee Ebola ay u isticmaalayaan feyruska COVID-19

0
Thursday May 07, 2020 - 22:29:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddanka Japan oo ansixiyay in dawada Remdesivir ee Ebola ay u isticmaalayaan feyruska COVID-19

    Tokyo -Bloomberg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Tokyo -Bloomberg


Dowladda Japan ayaa si rasmi ah u ansixisay in dawada Remdesivir ee horey loogu dabiibay Cudurkii Ebola ee halakeeyay qaaradda Afrika  ay haatan wixii ka dambeeya u isticmaali doonto inay kula tacaasho Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Japan ayaa arrintani shaacisay, iyadoo dalkani uu noqonayo dalkii ugu horreeyay ee si toos ah u iclaamiya in dawada Remdesivir lagula dagaallami doono COVID-19.

Ansixinta Japan ee dawada Ebolaha ayaa ku soo aadeysa saddex maalin kaddib markii hay’adda cuntada iyo dawada Mareykanku ay ogolaatay in Remdesivir loo isticmaali karo in lagu daweeyo keliya dadka aadka u xanuunsan ee ku jira qaybaha gurmadka deg degga ah.

Feyruska Coona ayaa ku dhacay dad ka badan 16,000 oo Japanese ah, halka 800 oo ruuxna ay kaga dhinteen.

Shirkadda Mareykanka ee Gilead ee sameysay Remdesivir-ka ayaa waxaa iyana ay sheegtay in ay shirkado badan oo dawada sameeya wadahadallo kula jiraan, gaar ahaan kuwa India iyo Pakistan si loo soo saaro tiro oo aad u fara badan oo dawadan aadka loogu baahan yahay ah.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net