Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Muuska iyo Raganimada ?

0
Saturday July 08, 2017 - 17:58:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4329
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Muuska iyo Raganimada ?

    Muddo qarniyaal ah waxaa raggu ay ku howlanaayeen in ay helaan Cuntooyin dardar gelin kara awooddooda raganimo ee dhinaca sariirta, waxaana inta badan ay dukaammada cuntada ka baadi goobaan qaar ka mid ah cuntooyin loogu tilmaamay inay awood dheeri a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Muddo qarniyaal ah waxaa raggu ay ku howlanaayeen in ay helaan Cuntooyin dardar gelin kara awooddooda raganimo ee dhinaca sariirta, waxaana inta badan ay dukaammada cuntada ka baadi goobaan qaar ka mid ah cuntooyin loogu tilmaamay inay awood dheeri ah ka helayaan.


Haddaba daraasadihii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in Muuska oo ka mid ah Miraha ay Soomaalidu aadka u cunto uu yahay mid kaalin mug leh ka qaadanaya awoodda ragga ee dhinaca galmada.

Waxaa jirta oraah oranaysa "An apple a day keeps the doctor away” (Hal Tufaaf oo aad maalintii cunto waxaad kaga maarmaysaa inaad dhaqtar u baahato) taas oo bulshooyinka caalamku ay soo daliishan jireen muddo fog laakiin waayadii dambe waxaa la ogaaday in Muuskuba uusan sahlanayn oo uu yahay mid ay ku dhan yihiin faa’iidooyin caafimaad oo fara badan.

Qofkii doonaya caafimaad iyo ragannimo aan hoos u dhac lahayn waxaa lagula talinayaa in uu joogteysto cunista Muuska ugu yaraan xabad muus ah maalintii haddii uu ka sii badin karana way fiican tahay.

Ciyaartoyda iyo ragga jirkooda dhisa ayaa badsada cunista Muuska sababtoo ah waxaa ku jira maadooyin fara badan oo muhiim u ah jirka bani’aadamka oo ay ka mid yihiin:

·Potassium

·Magnesium

·Protein

·Phosphorous

·Calcium

·Selenium

·Iron

·Zinc

·Manganese

·Copper

·Folate

·Vitamin A

·Vitamins B1, B2, B3, B5 and B6

·Vitamin C

·Vitamin E

Muusku waxa uu sare u qaadaa rabitaanka galmada, waxaana ku jira labada maaddo ee Magnesium iyo Manganese oo faa’iido u leh Qanjirka Xaniinyaha ee ragga.

Waxaa kale oo ku jira Muuska, gaar ahaan midkiisa Jaallaha ah Bromelain iyo Vitamin B kuwaas oo labaduba qayb weyn ka qaata hagaajinta hormoonka dhinaca galmada waxaana ay kordhiyaan rabitaanka jinsiga.

Ragga doonaya in ay natiijo ka keenaan kulanka sariirta ayaa waxay u baahan yihiin in ay 1 Muus ah cunaan saacad ka hor kulan ciyaareedkaasi adag.

Muusku waxa uu leeyahay keyd tamar oo ay aad ugu baahan yihiin dhammaan ragga mar kasta oo ay howl adag qabanayaan.



© Shabakadda Isha Sacabka Mari