Shanta Qof ee ugu Taajirsan Soomaaliya oo la shaaciyay (warbixin xiiso leh)

0
Tuesday August 29, 2017 - 23:50:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6059
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shanta Qof ee ugu Taajirsan Soomaaliya oo la shaaciyay (warbixin xiiso leh)

    Waddanka Soomaaliya ee ku yaalla geeska Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalal lagu tilmaamay dowladaha fashilmay, balse haatan ka soo kabanaysa dhibaatooyin fara badan oo gaaray, iyadoo rabshaduhu ka socdaan Soomaaliya ayaa haddana waxaa la tilmaama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Waddanka Soomaaliya ee ku yaalla geeska Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalal lagu tilmaamay dowladaha fashilmay, balse haatan ka soo kabanaysa dhibaatooyin fara badan oo gaaray, iyadoo rabshaduhu ka socdaan Soomaaliya ayaa haddana waxaa la tilmaamay inay ka dhasheen 5 qof oo Taajiriin ah oo Malyuumaad Dollar akoonnada ugu jirto.

Wargeyska ‘Forbes Magazine’ ee ka soo baxa Mareykanka ee ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29’ Agoosto lagu daabacay liiska shantaasi ruux ee ugu hantida badan Soomaaliya, waxaana ay kala yihiin:

1.Cabdirashiid Ducaale

Cabdirashiid Ducaale oo ah madaxa shirkadda Dahabshiil ee lacagaha caalamka u kala xawisha, fadhigeeduna yahay Dubai ayaa kaalinta 1’ ku jira.

Aabihiis ayaa aas aas-aasay ganacsiga uu gacanta ku hayo toddobaatameeyadii, waxaana uu aad uga macaashay soomaalida qurbaha ku nool ee dalkoodii hooyo lacagaha u kala dirta.

Cabdirashiid Ducaale oo 40 jir ah ayaa shirkaddiisu waxay ay leedahay 24,000 oo xarumood oo ku kala yaalla 126 waddan, waxaana u shaqeeya illaa 2,000 oo qofood sida wargeysku sheegayo.

Sanadkii 2016 waxaa Dahabshiil u soo xarootay $1 Bilyan oo dollar oo faa’iido ah, waxaa sidoo kale shirkaddani ay hoggaaminaysaa bankiyada Soomaaliya waxaana ay leedahay 95% taleefoonnada shirkadda Somtel, iyadoo ducaale uu hanti ku leeyahay London, Dubai iyo Hargeisa.

2.Abdirisaaq Ido

Ganacsadaha ka taajiray Isgaarsiinta waa aas-aasaha maamula saamiga ugu badan ee Nationlink Telecom, oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ugu waaweyn Soomaaliya, Ido oo markii hore saldhiggiisu ahaa Dubai ayaa dhidibada u taagay Nationlink sanadkii 1997, waxaana shirkaddani bixisaa khadadka taleefoonnada gacanta, kuwa xafiisyada iyo guryaha iyo weliba dhinaca Internet-ka ‘Satellite Mobile’, waxaana gudaha dalka ay ku leedahay in ka badan 700,000 macaamiil ah.

3.Maxamed Abshir Cabdi

Mudane Maxamed Abshir Cabdi waxa uu hantidan ka sameeyay ka ganacsiga cunto badeedka, shirkaddiisa kalluumeysiga ee Hafun Fishing Company ayuu aas aasay sanadkii 1992, waxaana ay ka shaqeysaa dhoofinta, qaybinta iyo iibinta cunto badeedda (wax kasta oo la xiriira hilibka kalluunka, yaxaaska iyo aargoosatada).

Waxaa shirkadda Maxamed Abshir ay sanadkii macaashtaa adduun lacageed oo gaaraya $10 Milyan oo Dollar.

4.Ismaaciil Axmed

Ismaaciil Axmed waa aas aasaha shirkadda ‘World Remit’ oo xarunteedu tahay magaallada London, waxaana ay ka shaqeysaa xawilaadda online-ka ah ee lacagaha ‘Online money transfer’ taas oo u fududeysa dadka in ay saaxiibadooda iyo ehelladooda dalkii Soomaaliya ku sugan in ay u kala diraan wixii lacago ah oo ay doonayaan.

Sanadkii 2015, shirkadda World Remit waxa ay qabatay $100 Milyan oo dollar kaddib markii ay lacagaha dadka ugu dirtay Tiknoolojiga TCV (Technology Crossover Ventures).

5.Aamina Xirsi Mooge

Aamina Xirsi Mooge waxa ay ka dhalatay qoys reer guuraa ah oo ka hayaamay Soomaaliya degayna Bungoma, Galbeedka Kenya halkaas oo ay ku dhalatay, kuna kortay carruurnimadeedii.

Waxa ay la shaqeysay hooyadeed iyadoo ka bilowday dukaan qalabka elektoroonigga lagu iibiyo gudaha waddanka Uganda kaddibna waxa ay gashay ganacsiga qalabka beeraha iyo Shamiitada.

Aamino oo haatan 64 sano jir ah waxa ay dhaqaale fara badan ka sameysay howlahaas, waxaana ay ganacsiyo fara badan ku leedahay dalka Uganda sida Oasis Shopping Mall, Kampala, Hotel Laburnam Courts iyo weliba shirkaddeeda $120 Milyan ee dollar ee Atiak ee Sokorta samaysa taasoo ku taalla gobolka Waqooyi ee Uganda.

Waxa ay sanado is xig xiga noqotay qofka ugu canshuur bixinta badan dhammaan ganacsatada waddanka Uganda.

Waxaa soo akhriyay: Yaxye Yuusuf Khasaaro

E-mail: yaxyekhasaaro@gmail.com